Khamiis 13, Nov 2025 {HMC} Warbixino ka imaanaya dalka Eritrea ayaa sheegaya in diyaarad aan duuliye lahayn oo Itoobiya leedahay lagu soo riday gobolka koonfur-bari, meel u dhow dekedda Assab.
Dhacdadan ayaa timid iyadoo xiisad xoog leh ay ka dhex taagan tahay labada dal, taas oo ka dhalatay dadaalka Itoobiya ee ku aaddan inay hesho marin badeed oo ay kaga gasho Badda Cas.
Wararka ayaa intaas ku daraya in diyaaraddaasi ay ku jirtay howlgal kormeer ah meel u dhow magaalada xadka ku taalla ee Bure — oo ahayd goobtii uu ka dhacay dagaalkii xuduudda ee u dhexeeyay labada dal sanadihii 1998–2000, dagaal kaas oo sababay dhimashada in ka badan boqol kun oo qof.
Waxaa sidoo kale la soo sheegay in Eritrea ay sanadkan meelo muhiim ah ka rakibtay qalab carqaladeeya isgaarsiinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyadoo xiisaduhu sii xoogaysanayaan. Labada dowladood midna kama aysan hadlin arrintan ilaa hadda.



