Khamiis 12 Feb 2026 {HMC} Wasaaradda Amniga Gudaha waxay shacabka Soomaaliyeed iyo warbaahinta u caddeyneysaa in habraaca soo jireenka ah ee sugida amniga Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle uu si buuxda u shaqeynayo, islamarkaana uu khuseeyo cid kasta oo dooneysa inay gasho ama ka baxdo garoonka.
Habraacaasi wuxuu dhigaya in wixii ka dambeeya 5:00 galabnimo laga soo galo albaabka Mariina Gate, isla markaana aan loo oggolayn in ciidan hubeysan lala galo gudaha garoonka.
Si kastaba ha ahaatee, xalay waxaa dhacday in qaar ka mid ah masuuliyiintii hore ee dalka ay ku xadgudbeen nidaamkaas, iyagoo gudaha garoonka la galay ciidamo aad u tiro badan, isla markaana isticmaalay albaab aan ahayn midka loo asteeyey in xilliga habeenkii la isticmaalo. Tallaabadaas waxay halis ku tahay amniga iyo badqabka garoonka, waxayna jebinaysaa habraaca rasmiga ah ee sugista amniga.
Wasaaradda Amniga Gudaha waxay mar kale caddeyneysaa in habraacyada amniga garoonka ay wada khuseeyaan dhammaan muwaadiniinta iyo masuuliyiinta, xil haya iyo kuwo horeba, isla markaana aan cidna laga reebayn fulinta nidaamkaas.
Dhanka kale, Wasaaraddu waxay iftiimineysaa in aanay jirin masuuliyiin hore oo loo diiday inay galaan garoonka, balse ay jireen kuwo diiday inay u hoggaansamaan habraaca amniga ee u degsan garoonka.
Wasaaradda Amniga Gudaha waxay ku boorrineysaa dhammaan dhinacyada inay ixtiraamaan sharciyada iyo habraacyada amniga si loo xaqiijiyo badqabka guud ee garoonka iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed.







