WAR DEG DEG AH Iiraan oo soo ridday diyaarad dagaal oo uu Mareykanku leeyahay.

0
110

Khamiis 26 March 2026 {HMC} Maraykanku wuxuu beeniyay wararka sheegaya in mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee F-18 ay ku burburtay intii lagu jiray dagaalka uu la galay Iran. Horey, waaxda xiriirka dadweynaha ee Ciidamada Kacaanka Iiraan ayaa u sii daysay muuqaal muujinaya in ay ku bartilmaameedsadeen diyaaraddan dagaalka gudaha magaalada Chabahar ee dalka Iuraan.

Warka Ciidamada Kacaanka Iiraan ayaa lagu sheegay in “difaaca cirka ee horumarsan ee Ciidanka Badda ee IRGC, kaas oo hoos yimaada taliska Shabakadda Difaaca Hawada ee Isku-dhafan,” uu si sax ah u duqeeyey diyaaradda dagaalka, taasoo keentay in ay “ku burburto Badweynta Hindiya.” Taliska Dhexe ee Maraykanka CENTCOM ayaa si degdeg ah uga falceliyay, isagoo qoraal kooban ku sheegay barta bulshada ee X in warkaas aanu run ahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here