WAR DEG DEG AH: Lafta-gareen oo wada-hadal dalbaday iyo Madaxweyne Xasan Shiikh oo go’aan ka qaatay.

0
173

Axad 29 March 2026 {HMC} Ilo xog ogaal ah oo ka ag dhaw Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen uu dalbaday in Wadahadal lagala galo khilaafka kala dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xogta aan helnay ayaa xaqiijinaysa in fariinta dalabka wada hadalka Lafta-gareen uu Madaxweyne Xasan Sheekh usoo marsiiyey xubno ka ag dhaw Madaxweynaha balse Madaxweyne Xasan Sheekh ayey wararku sheegayaan inuu ku gacan seeray wada-hadalka Laftagareen ku dalbaday in Villa Somalia ay kala gasho xaaladda ka taagan deegaanada Koonfur galbeed maadaama sida madaxweynuhu u sheegay xubnihii ergada ka ahaa Madaxweynaha KGS Dowladdu ay go’aan ka gaartay malafka maamulkaasi.

Ciidamada Dowladda ee maanta barqadii ka ruqaansaday degmada Buur-hakaba ayaa wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo sheegayaan in hadda ay kaabiga ku hayaan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur galbeed kuwaa oo qorshahoodu yahay inay la wareegaan magaalada Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here