Axad 25, Agoosto, 2024 {HMC} Xafiiska caafimaadka DDS oo warbixin kasoo saaray xaaladii looga shikisanaa Furiqa Daanyeerka (Mpox) ayaa sheegay sidatan:
Sida aan horey ula wadaagnay bahwadaagta caafimaadka iyo bulsho-wayntaba, waxaa jirtay digniin xaalad looga shikiyey furuqa Daanyeerka ama Mpox kana jirtay Qabalaha Gilo ee Deg.
Qabribayax ee Gobolka Faafan. Warcelintii kooxda caafimaadka ee goobta tagtayna waa sidan hoose.
1. Laba todobaad kahor waxaa calaamado yeelanhaya xaalad qeexida “Furuqa Sugurta” lagu arkey xubno 6 ah oo hal qoys ah. Wayna ka bogsadeen. Rugta caafimaadka qabaleeguna way la socotay.
2. Waxay ugu danbayn ku dhacday xaaladani duqa ama aabaha qoyskan iyo wiil yar, iyaguna aad ayuu uga roonyihiin hada oo way kasii bogsanhayaan. Guud ahaana waa 8 qof dadka ay kudhacday xaaladani.
3. Wixii daawayn ah rugta/health post qabaleega ayey kuxidhanyihiin oo og.
Talaabada xigta:
1. Muunado in laga qaado dadka aan wali si buuxda uga bogsan (2 qof) oo loodiro shaybaadhka qaranka si xaqiijin dheeri ah oo xanuunkan xaalad qeexidan yeeshay/Sugur loogu sameeyo.
2. In sahanka/active case search goobta iyo agagaarka laga fuliyo si dhawna loola socdo xaaladan.
3. Daawaynta iyo la socodka dadkan in ay rugta caafimaadku si dhaw ula socota.
4. Wixii soo kordha in nidaamka iyo jaran-jarta xogtabinta Xaf. Caafimaadka heerarkiisa kaladuwan loo raadsado/laga qaato, loogana danbeeyo.



