Jimc 19 Dec 2025 {HMC} kulankii Bilaawday waabarigii hore ee saake ayaa soo gaaray ilaa maqribkii caawa kadib markii la isku fahmiwaayay cida noqoneyso hogaanka Madashada Mustaqbalka Soomaaliya.
Warar ay hiiraanweyn heshay ayaa sheegaayo in Musharraxiinta madaxweynaha Soomaaliya ee ka soo jeedo beesha Hawiye ay diideen in hogaanka loo doorto shiikh shariif.
Hogaanka jubbaland iyo Puntland ayaa aad u daneynaayay in Shiikh shariif uu noqdo hogaanka balse markii la diiday ayaa xaalada sii adkaatay.
Dhinaca kale si shirka fashil looga ilaaliya ayaa warar hoose waxa ay sheegayaan in guud ahaanba la joojiyo doorashada hogaanka Madasha Mustaqbalka Soomaaliya.






