WAR DEG-DEG AH Xil ka qaadis lagu sameeyay Madaxii laanta socdaalka ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

0
42

Axad 25, Jan 2026 {HMC} Axad 25, Jan 2026 {HMC} Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mudane Mustafa Sheikh Ali Dhuhulow, ayaa xilkii ka qaaday Agaasimihii Laanta Socdaalka ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, Cartan Maxamed Cartan, kadib markii lagu eedeeyay ku takrifal awoodeed, musuq-maasuq, iyo ku lug lahaanshaha tahriibinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, maanta ayaa Xeer Ilaalinta Qaranka u yeertay Cartan Maxamed Cartan, si baaritaan rasmi ah loogu sameeyo eedeymaha loo jeediyay, kuwaas oo si weyn u saameeyay amniga iyo sumcadda hay’adda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here