WAR DEG DEG AH:Taliyihii Ciidamada Mareykanka oo iscasilay.

0
8

Jimco 3 April 2026 {HMC} Taliyaha 41-aad ee Ciidanka Maraykanka, (US Army Chief of Staff) General Randy A. George, ayaa si rasmi ah ugu tegay xilka maanta.

Warbaahinta CNN ayaa ku warantay in cadaadis kaga yimid wasiirka dagaalka awgiis Pete Hegseth, lagu amray inuu shaqada ka fadhiisto, una diray hawlgabnimo. Wasaaradda Dagaalka ayaa ku bogaadisay sarkaalkan adeeggii uu dalka usoo qabtay muddadii tobannaanka sano ahayd.

General George ayaa noqonaya mas’uulkii saddexaad oo boos sare haya oo banneeya xafiiskiisa tan iyo markii uu qaraxay dagaalka lala galay dalka Iiraan.

Waxa uu tallaabadan qaaday xilli saacado uun ka hor uu Madaxweyne Trump xilka ka eryey Wasiirkii Caddaaladda, halka uu horey isna shaqada uga tegay Agaasimihii ka hor-tagga xagjirnimada oo ka horyimid habka loo maareeyay dagaalka socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here