spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS WAR DEG-DEG: Soomaaliya Oo Ku Guuleysatay doorashada guddiga ugu muhiimsan midowga Afrika.

WAR DEG-DEG: Soomaaliya Oo Ku Guuleysatay doorashada guddiga ugu muhiimsan midowga Afrika.

0
8

Arbaco 11 Feb 2026 {HMC} Dalka Soomaaliya ayaa Ku Guuleysatay Doorasho Taariikhi Ah Oo Lagu Doortay xubin ka noqoshada Guddiga Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ee 2026–2028.

Waxaa arrintan lagu shaaciyay bayaan ay mar dhaw ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda federaalka ee soomaaliya.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo doortay inay ka mid noqoto Guddiga Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) muddada 2026–2028, taasoo ah guul muhiim ah oo ka tarjumeysa safarka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo caddeyn muujinaysa in dalka uu dib u helay meel uu xaq ugu leeyahay diblomaasiyadda qaaradeed iyo tan caalamiga ah.

Doorashadan Soomaaliya waxay ka tarjumaysaa kalsoonida iyo aaminaadda ay dalalka xubnaha ka ah AU siiyeen”. ayaa lagu yiri bayan wasaaradda.

Dowladda Soomalaiya ayaa ku tilmaamtay arintan mid muujinaysa ib u soo kabashada Soomaaliya.

“Tani waa guul weyn oo muujineysa dib u soo kabashada Soomaaliya ee diblomaasiyadda qaaradeed iyo caalamiga ah, iyadoo dalka helay kalsoonida iyo taageerada xubnaha kale ee Midowga Afrika”

Wasaradda arrimaha dibadda ee soomaaliya ayaa sheegtay in Soomaaliya ay kaalin ka qaadan doonto horumarinta nabadda, ammaanka, xasilloonida qaaradda.

“Sida xubin ka mid ah PSC, Soomaaliya waxay mar kale ku adkaynaysaa go’aankeeda aan la lafaguri karin ee ku aaddan horumarinta nabadda, ammaanka, xasilloonida, iyo wada-xaajoodyada dhisaysa ee gobolka iyo guud ahaan qaaradda”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here