spot_imgspot_imgspot_img
Home ARIMAHA BULSHADA Wararkii ugu dambeeyay Amniga Magaalada Dhuusamareeb oo la adkeeyay.

Wararkii ugu dambeeyay Amniga Magaalada Dhuusamareeb oo la adkeeyay.

0
30

Talaado, 18 Aug 2025 {HMC} Ciidanka Amniga ee Dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedka Galmudug ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay magaalada Dhuusamareeb iyo deegaannada hoos yimaada.

Ciidanka ayaa howlgallada ka wada gudaha magaalada iyo deegaanada ku xeeran, iyadoo askarta ay ku sugan yihiin waddooyinka waaweyn, isgoysyada muhiimka ah, iyo xarumaha dowladda.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in weli wadaan howlgallada ay iska kaashanayaan ciidanka Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedka.

Howlgallada amniga lagu xaqiijinayo ayaa imaanaya xilli magaalada Dhuusamareeb ay ka socoto qaban qaabada soo dhaweynta wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho Madaxda sare ee Maamulka Galmudug, qeybaha bulshada iyo odoyaasha dhaqanka, isagoo kala hadli doona sugida amniga iyo dardar galinta dagaalka AS.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa daahfuri doona dhismayaal la hirgaliyay iyo dayactir lagu sameeyay garoonka diyaaradaha ee Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here