spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Wararkii ugu dambeeyay Duqeeyn Culus oo laga Fuliyay Gobolka Bari.

Wararkii ugu dambeeyay Duqeeyn Culus oo laga Fuliyay Gobolka Bari.

0
17

Arbaco Nov 19, 2025 {HMC}  Diyaaradaha Maraykanka ee Duulliye la’aanta ah (Drones) ayaa duqaymo ka fuliyay deegaanno katirsan Gobolka Bari Dowlad-Goboleedka Puntland oo saldhigyo u ah Daacish sida wararka la helayo ay sheegayaan.

Duqaymaha ayaa dhowr jeer lagu dhuftay goobo difaacyo ay ku leeyihiin Daacish isla markaana ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Difaaca Dowlad-Goboleedka Puntland sida ay ku warrameen saraakiil katirsan ciidamadaas.

Maraykanka gaar ahaan Taliska u qaabilsan howlgallada duqaymaha aha ee AFRICOM weli ma jiro war uu kasoo saaray, sidoo kale Dowlad-Goboleedka Puntland ma sheegin khasaaraha ka dhashay weerarkaas iyo xubnaha sida gaar ah loo beegsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here