Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada adag ee Koonfur Afrika

0
47

Arbaco 29, May 20224 {HMC} Dadka waddanka Koofur Africa ayaa maanta oo Arbaca ah codadkooda ka dhiibanaya doorashadi ugu tartanka adkeyd ee dalkaasi ka dhacdo tan iyo dhammaadkii midab-kala sooca billowgi sagaashammaadki.

Ra’yi ururin la sameeyay ayaa muujineysa in in xisbiga African National Congress (ANC) uu lumen doono aqlabiyadda baarlamaanka muddo 30 sano ah kaddib. Isaga oo uu hogaaminayay Nelson Mandela, ayuu xisbiga ANC marki ugu horreysay awoodda dalka la wareegay kaddib doorashadi sannadki 1994-ki, wixi markaasi ka danbeeyay doorashada baarlamaaniga South Africa oo shanti sannaba mar dhacdo, waxaa si aqlabiyad ah ugu guuleysanayay ANC.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here