Talaado 27, Jan 2026 {HMC}. Afhayeenka aqalka cad, Karoline Leavitt, ayaa ka hadashay dilkii ka dhacay Minnesota dhammaadkii usbuuca.
Waxay sheegtay in dilka Alex Pretti Sabtidii uu hadda uu baaritaan xoogganay ku waddo Waaxda Amniga Gudaha (DHS) iyo Hay’adda Baarista Federaalka (FBI) — waana baaritaano socda oo aan weli la soo afjarin.
Dhanka kale Iska caabbinta Minnesota ee ka dhanka ah kororka saraakiisha socdaalka ee federaalka ah kuma koobna oo keliya mudaharaadyada waddooyinka, balse sidoo kale waxay ka socotaa maxkamadaha.
Garsoore federaal ah ayaa dhageystay doodaha xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Minnesota, kuwaas oo ka hortagaya kuna murmaya dastuur-waafaqsanaanta kororka wakiillada federaalka ee loo diray Minneapolis iyo qaybo kale oo ka mid ah gobolka.
Dhanka kale Madaxa Ilaalada Xuduudaha, Dan Bovino, iyo qaar ka mid ah wakiilladiisa ayaa ka tagi doona Minneapolis kaddib markii Alex Pretti la toogtay Sabtidii, sida ay sheegtay CBS News oo wada shaqayn la leh BBC-du.
Tani waxay ka dambeysay cadho xooggan ay ka dhalatay sida saraakiisha sare ee federaalka, oo ay ku jiraan Bovino iyo Xoghayaha Amniga Gudaha, Kristi Noem, ay uga jawaabeen toogashada.






