spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Wararkii ugu dambeeyay Mareykanka oo qabsaday markab kale oo uu eryanayay

Wararkii ugu dambeeyay Mareykanka oo qabsaday markab kale oo uu eryanayay

0
26

Talaado 10 Feb 2026 {HMC} Wasaaradda Difaaca ayaa sheegtay in militariga Mareykanka ay raaceen markab shidaal qaada ka dib markii ay ku raad joogeen kumanaan mayl oo u dhexeeya Kariibiyaanka ilaa Badweynta Hindiya.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay, in markabka – oo lagu magacaabo Aquila II – uu shaqeynayay isagoo ka soo jebiyay “xayiraad uu Mareykanku saaray maraakiibta Caribbean-ka ee galaya ama ka baxaya Venezuela”.

“Way baxsatay oo waan daba soconay,” ayay waaxdu ku tiri baraha bulshada, iyadoo intaa raacisay; Hadii la maro “dhulka, cirka, ama badda, Ciidamadeenna Qalabka Sida ayaa gacanta kugu soo dhigi doona oo cadaaladda ku marsiin doona”.

Ciidamadu waxay raaceen oo kormeereen markabka, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.

Ugu yaraan toddobo markab oo shidaal ah ayuu Mareykanku qabsaday tan iyo sannadkii hore, iyadoo maamulka Trump uu u dhaqaaqayo inuu xakameeyo sahayda saliidda Venezuela, oo ah isha dhaqaale ee ugu weyn dalka.

Ciidamada Mareykanka ayaa madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro ka soo qabtay gurigiisa oo ku yaal Caracaskadib weerarkii dhacay bishii Diseembar, waxayna hirgeliyeen xayiraad lagu soo rogay shixnadaha shidaalka.

Shidaalka ayaa hoos u dhacay kala bar bishii Janaayo ilaa qiyaastii 400,000 oo fuusto maalintii, sida uu BB-da u sheegay Matt Smith, madaxa falanqaynta shirkadda Mareykanka ee Kpler.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here