Wararkii ugu Dambeeyay Shirka Kismaayo oo Manta Furmayo.

0
7

Khamiis 18, Dec 2025 {HMC} Xubnaha Mucaaradka Dowladda oo kaashanaya Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa maanta waxaa magaalada Kismaayo uga furmaya shir ay uga hadlayaan sidii ay u mideyn lahaayeen Arragtiyadooda siyaasadeed.

Dhinacyada oo hore uga dhaga adeegay gogol iyo wadashiyo ugu baaqday Dowladda Federaalka ayaa Shirkooda Kismaayo ku muujin doona Ajendayaashooda siyaasadeed iyo waxyaabaha ay ka doonayaan Dowladda.

Kulanka Madashan Mucaaradka ayaa waxaa lagu soo hadal qaadi doona Arrimaha doorashada, xilli Dowladda Federaalka wado hirgalinta doorasho qof iyo cod ah oo goleyaasha deegaanka ah.

Sidoo kale, kulamadan Kismaayo ayaa waxaa goob joog noqon doona wakiilo ka kala socda qeybaha bulshada, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo mas’uuliyiin hore xilal uga soo qabtay dalka.

Mas’uuliyiin xilal sare ka soo qabtay dalka sida Madaxweynihii hore, Shariif Shiikh Axmed, Saddex kamid aRa’iisul wasaareyaashii hore ee dalka soo maray iyo madax kale ayaa qeyb ka ah shirka Magaalada Kismaayo.

Shirkaan oo la soo gaba gabeyn doono Sabtida ayaa la filayaa in laga soo saaro warsaxaafadeed la xiriira qoddobada la isku afgartay, kaasi oo lala wadaagi doono Dowladda Federaalka, Bulshada iyo Beesha Caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here