Axad 22 Feb 2026 {HMC} Nin 18 jir ah ayaa dhintay ka dib markii lagu tooriyeeyay bannaanka masjid ku yaalla gobolka West Midlands ee dalka Ingiriiska.
Booliisku waxay sheegeen in wiilal 19 jir iyo 20 jir sidoo kale loo qaaday isbitaalka ka dib rabshado ka dhacay bannaanka dhismaha Oldbury Road ee Smethwick wax yar ka hor 21:00 GMT Jimcihii.
Magaca qofka dhintay galabnimadii Sabtida waa Zeshan Afzal oo ka yimid Smethwick, ciidamada West Midlands ayaa xaqiijiyay in baaritaan dil uu socdo.
Waxa ay sidoo kale sheegeen in dhacdadan aan loola dhaqmin mid diimeed iyo mid isir ahaanba.
Dhaawaca labada nin ee kale ma ahayn kuwo nafta halis gelinaya, ayuu booliisku intaas ku daray.
Ciidanka ayaa sheegay inay wadaan baaritaanno lagu ogaanayo sida ay wax u dhaceen, isla markaana la arki doono ciidamo booliis ah oo deegaanka ku sugan si ay shacabka u qanciyaan.






