Isniin 30 March 2026 {HMC} Warar laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan ah ay ka jirto magaalada, kadib markii ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed la dhigay wadooyinka iyo xaafadaha magaalada.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ciidamada Booliska gaarka ah ee si heer sare ah u tababaran ay la wareegeen sugidda amniga Baydhabo, isla markaana ay bilaabeen baaritaano cusub oo lagu xaqiijinayo amniga guud ee magaalada.
Sidoo kale, ciidamada Koonfur Galbeed ayaa la sheegay inay fariisimo ka sameysteen danaqyada iyo meelaha muhiimka ah ee magaalada, halkaas oo ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqyada jira.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada Koonfur Galbeed ay howlgallo ka wadaan duleedka Baydhabo, iyagoo sheegay inay u diyaar garoobeen ka hortagga weerar kasta oo kaga yimaada ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo kuwa la magac baxay “Badbaado KGS”.
Dhanka kale, ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku sugan deegaanka Burjeed, halka ciidamada Koonfur Galbeed ay fariisin ku leeyihiin Maanya-Fuulka, iyadoo labada dhinac ay isku muuqdaan—arrintaas oo sare u qaaday cabsi laga qabo isku dhac toos ah.
Shacabka ku nool Baydhabo ayaa durba dareemaya cabsi iyo walaac ku aaddan suuragalnimada dagaal, iyadoo xiisadda u dhaxeysa labada dhinac ay sii xoogeysaneyso.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana la sugayaa sida ay wax u kala bixi doonaan saacadaha iyo maalmaha soo socda.



