Wararkii ugu dambeeyey Ciidanka DANAB oo howlgallo ka dhan ah AS ka fuliyay J/Hoose

0
16

Axad ,07  SEPTMPER 2025 {HMC} Ciidamada Kumaandooska DANAB ayaa howlgallo ka dhan ah ‘AS’ ka fuliyay duleedka Magaalada Kismaayo Gobolka Jubada Hoose Dowlad-Goboleedka Jubbaland, waxa uu ujeedku ahaa sidii ay uga hortagi lahaayeen duullaan ka dhan ah sida wararku sheegayaan.

Saraakiisha hoggaaminaya ciidanka DANAB ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in ay khasaara xooggan gaarsiiyeen xubno katirsan ‘AS’ oo ku sugnaa deegaannada ay ka fuliyeen howlgalkaan sida ay hadalka u dhigeen.

Diyaaradaha Maraykanka ee duulliye la’aanta ah ayaa duqeeyay goobo ay joogeen AS isla markaana ay ku diyaarinayeen duullaan ka dhan ah Ciidanka DANAB iyo saraakiisha Ameerikaanka ah ee la jooga xeradooda.

Ma jiro war faah-faahin oo weli kasoo baxay Dowladda Federaalka, Taliska Maraykanka Qaaradda Afrika ee AFRICOM loosoo gaabiyo iyo Dowlad-Goboleedka Jubbaland, maalmo kahor ‘AS’ ayaa weerar ku qaadday ciidamadaan inkasta oo Maraykanku sheegay in aanay waxba ku gaarin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here