Wararkii ugu dambeeyey Dagaalkii ka dhacay Baladweyne.

0
30

Arbaco  14 jun 2026 {HMC}  Faah Faahin dheeraad ah ayaa Laga helayaa Weerar ay kooxda Al-shabaab ay kusoo qaadeyn Saldhig Ciidamada deegaanka ay ku lahaayeen Xaafada Buunda-weyn ee Magaalada Baladweyne Xalay saqdii dhaxe.

Saraakiisha Ciidamadan ayaa sheegay in ay iska difaaceeyn Weerarka Hoobiyaal iyo dagaalka Tooska ah ee Al-shabaab ay kusoo qaadeyn Saldhigooda. Waxaana ay intaasi ku dareeyn in ay ka war haayeen Weerarka kusoo wajahnaa.

Saraakiisha Ciidamada waxaa ay sheegayn in Al-shabaabkii Weerarka soo qaaday ay gaarsiiyeen khasaaro dhimasho iyo dhawac ah. Waxaan ay intaasi raaciyeen in saakay ay socdaan Howgalo lagu xaqiijinayo Xaafada Buunda-weyn ilaa deegaanka Gambar laawe.

Sidoo kale waxaa jiro Hoobiyaal kusoo dhacay Xaafadaha qaar ee Baladweyne, kaasi oo aanan geeysan wax Khasaaro nafeed ah marka laga Reebo burbur Hantiyadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here