Wararkii ugu Dambeeyey Khasaaraha Dagaalkii ka dhacay Jalalaqsi.

0
36

Isniin 22 Dec 2025 {HMC} Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo Baxeeyso Dagaal Sababay dhimasho iyo dhawac oo ka dhacay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan kaasi oo sababay dhimasho iyo dhawac.

Dagaalkan ayaa udhaxeeyso Ciidamo taabacsan Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi Nuur Dheere iyo Ciidamo diidan Nin Lagu xiray Saldhiga Booliska degmadaasi kaasi oo Abuuray Xiisad Culus.

Inta la xaqiijiyay ilaa 4 Ruux ayaa ku dhimatay dagaalka tiro 7 kalena waa ay ku dhawacmeeyn kuwaas oo iskugu jiro Dhinacyada dagaalamayo iyo dad Shacab ah oo rasaasta Xaafadahooda ugu tagtay. Inta badan Ganacsiga degmada ayaa Manta bixin iyada oo dhinacyada dagaalamayo lagu arkayaa Xaafadaha degmadaasi. Dagaalka ayaa ku fiday Xaafado hor leh.

Ciidamada Midowga Africa ee Jabuuti ayaa wado dadaalo lagu Joojinayo Dagaalka Socda. Iyaga oo gudaha usoo galay qaar kamid ah goobahii dagaalada ay ka socdeeyn. Saraakiisha Ciidamada Jabuuti ayaa ugu baaqay in dagaalka la joojiyo oo wada hadal leeys kugu yimaado.

Odoyaasha dhaqanka degmada ayaa Sidoo kale Sidii loo joojin Lahaa dagaalka degmada ka socdo wax ka badan Lix Saac oo Xariir .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here