Arbaco 11 Feb 2026 {HMC} Markabka Shidaalka ka qodaya Soomaaliya iyo mid kale oo ilaalo u ah ayaa saaka kusoo xirtay Dekedda Magaalada Muqdisho sida ay Hiiraanweyn u sheegeen ilo kala duwan, Maraakiibtaan ayaa kol hore kasoo safray Dalka Turkiga si ay u billaabaan howsha qodista Shidaalka.
Ammaanka Xeebaha Soomaaliya gaar ahaan Goobaha Sahanka Shidaalka lagu sameeyay sanadkii 2024 ayaa aad loo adkeeyay, Turkiga ayaa howlgeliyay Diyaarado isugu jira kuwa ciidamada raacaan iyo kuwa aan duulliyaha lahayn si ay u ilaaliyaan Amniga Maraakiibtooda.
Xukuumadaha Muqdisho & Ankara oo damacsanaa in dhammaadkii sanadkii 2025 la billaabo shaqada lagu qodayo Shidaalka Soomaaliya ayaa dib u dhigay ilaa bilaha ugu horreeya sanakdaan 2026, ugu danbayn waxaa lagu wadaa in ay howshu billaabato.
Ma jiro wax faahfaahin ah oo ay bixiyeen Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ay uga hadlayaan Maraakiibtaan kusoo xirtay Dekedda Muqdisho, inkasta oo ay horay u baahiyeen kolkii ay kasoo safreen Dalka Turkiga.






