Wararkii ugu dambeyay ee shirkii Laascaanood.

0
41

Khamiis 10 july 2025 {HMC} Wararka laga helaayo Laasacaanood, ayaa sheegaya in weli aanu furmin shirkii ku saabsanaa dhameystirka maamulka SSC-khaatumo oo lagu waday in saaka uu furmo, hase-yeeshee dhinacyo diiddan dartood aan lagu guuleysan in uu dhaco.

ismada dhaqanka ay wado dadaallo ay ku qancinayaan dhinacayada ka soo horjeeda in uu shirku furmo oo ciidamada laga qaado goobta loo diyaariyay shirka.

Magaalada Laasacaanood waxaa ku sugan wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Cali Yuusuf Cali (Xoosh), oo halkaa u tagay howsha dhameystirka dhismaha maamulka SSC-Khaatumo.

dhinaca Guddiga Dowladda Federaalka ee Dhammaystirka Maamulka SSCKhaatumo ayaa la shiray siyaasiyiinta iyo musharrixiinta maamulkaas; iyada oo guddigu sheegtey in la dhegeysanayo dhinac kasta, si loo helo geedi-socod loo dhan yahay, kuna saleysan is-afgarad & wada-tashi.

Kulankan ayaa imana xilli maanta uu baaqday shirka Dhammaystirka maamulka ka dib markii ay is-hortaageen mucaaridka oo dalbaday in laysla oggolaado, waxaaana dhinacyada u bilowday wada-hadallo dhexdhexaadin ah, kuwaa oo xaaladda lagu dejiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here