Wararkii ugu Danbeeyay Dagaalada Moqokori iyo Ciidamadda Doowladda oo iskaga Baxay

0
91

Axad, 06 July 2025 {HMC} Waxa Faahfaahin laga helayaa dagaal culus uu ka dhacay duleedka degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan kooxda AS ay weerar qaraxyo ku bilaabay ku qaadeen Goob ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaano (macawiisleyda) ee ku sugnaayeen.

Goobjoogayaal iyo ilo-wareedyo deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in weerarka uu ka bilowday afaafka degmada iyadoo ay ka dhacday qarax xoog leh oo lala eegtay ciidamada dowladda. Qaraxaas kadib waxaa xigay dagaal fool ka fool ah oo muddo saacado ah socday.

Qasaaraha ka dhashay dagaalka wali lama xaqiijin tiro rasmi ah oo ku saabsan, hase yeeshee warar hordhac ah ayaa sheegaya in dhinacyada uu soo kala gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. dhamaan Dadkii degmada ayaa ka barakacay magaalada cabsi awgeed.

Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa ugu dambeyn sababay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay isaga baxaan degmada Moqokori, halkaas oo ay gudaha u galeen dagaalyahanada Al-shabaab iyada dadka ay Muujinayaan Cabsi.

Dhinaca kale, warar kale oo la helay ayaa tilmaamaya in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay hadda wadaan abaabul cusub iyo qorshe ay ku doonayaan inay dib ugu soo ceshadaan degmada Moqokori, iyagoo ku sugan meel aan ka fogeyn degmada si ay isu diyaariyaan guluf cusub.

Maamulka Hirshabeele ayaan wili ka hadlin dagaalkaan maanta sababay in ciidamada ka baxaan degmadda Moqokori ee Gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here