spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Warqado Digniin ah oo Hawada looga Soo daadiyay Dadka ku nool Dagmada...

Warqado Digniin ah oo Hawada looga Soo daadiyay Dadka ku nool Dagmada Jilib.

0
37

Jimco 16 jun 2026 {HMC} Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helayo Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay maalmahan hawada kaga soo daadiyeen waraaqo digniin ah, kuwaas oo loogu baaqayay shacabka rayidka ah inay ka baxaan magaalada ama ay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka AS si looga badbaado waxyeello soo gaarta.

Ilo deegaanka ah ayaa xaqiijinaya in waraaqahaasi ay si weyn cabsi iyo jahawareer ugu abuureen dadka shacabka ah, iyadoo qoysas badan ay bilaabeen barakac iskiis ah, kana guurayaan xaafado ay u arkaan kuwo halis ku jira.

Dhanka kale, waxaa muuqata in kooxda AS ay dareemeen cadaadis amni oo xooggan, iyagoo bilaabay dhaqdhaqaaqyo ciidan, beddelaya fariisimahooda, kuna sii qulqulaya deegaanno ka baxsan bartamaha magaalada.

Arrimahan ayaa kusoo beegmaya xilli habeenno ka hor ay ciidamo isugu jira kuwa Jubbaland iyo Kumaandooska Danab ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen gudaha Degmada Jilib, halkaas oo sida ay sheegayaan ilo amni khasaare culus lagu gaarsiiyay AS laguna dilay tiro ka mid ah maleeshiyaadkooda.

Sidoo kale duqeymo cirka ah ayaa xalay laga fuliyay naawaaxiga Degmada Jamaame, kuwaas oo lala beegsaday godad iyo xarumo qarsoodi ah oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan AS.

Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in weerarradaasi ay ahaayeen kuwo si gaar ah loo qorsheeyay, laguna bartilmaameedsaday xarumo muhiim ah.

Xaaladda amni ee Gobollada Jubbooyinka ayaa weli ah mid kacsan, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay sii socdaan howlgallo iyo duqeymo dheeraad ah.

Xigasho Wariye Aadan Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here