Talaado 11, Nov 2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, ayaa ku guuleystay xalinta cabasho ay qabeen shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, taas oo keentay in shaqaalihii garoonka ay dib ugu laabtaan shaqooyinkoodii si habsami leh.
Intii uu socday kulanka, wafdiga Wasaaradda ayaa si dhow u dhageystay cabashooyinka shaqaalaha oo la xiriiray arrimo shaqo iyo maamulka garoonka.
Kadib wada-hadallo miro-dhal ah, waxaa la isla gartay xal waara oo lagu qanciyay dhinacyadii kala duwanaa.
Tallaabooyinka la qaaday waxaa ka mid ah:
•Wasiirka ayaa faray shirkadda maamusha garoonka inay si degdeg ah wax uga qabato qodobadii ay shaqaaluhu tabashada ka muujiyeen.
•Waxaa loo digay shirkadda maamulka garoonka, iyadoo lagu amray inayn mar dambe soo laaban cabashooyin la mid ah.
•Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa ballanqaadday inay si joogto ah ula socon doonto xaaladda shaqaalaha, si loo hubiyo ilaalinta xuquuqdooda iyo hufnaanta howlaha garoonka.
•Wasiir Maxamed Faarax Nuux ayaa u mahadceliyay shaqaalaha garoonka sida ay u muujiyeen dulqaad iyo masuuliyad, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan shaqadooda si daacadnimo iyo waddaniyad leh.
Wuxuu xusay in Wasaaraddu ay mar walba ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda iyo daryeelka shaqaalaha, si loo hubiyo in adeegyada duulimaadyada dalka ay u socdaan si nabad iyo nidaam leh.



