Khamiis 26 Feb 2026 {HMC} War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa lagu beeniyay in Nidaamka Difaaca Hawada dalkaasi ee S-400 la keenay gudaha Soomaaliya.
Nidaamka oo uu farsameeyay Ruushka ayaa Turkiga sheegay inuu kaliya yaallo xuduudahiisa, isla markaasna aan la geyn gudaha Soomaaliya.
“Nidaamka S-400 wuxuu si buuxda gacanta ugu jiraa dawladda Turkiga, waxaana kaliya loo adeegsan doona hawlgallada difaaca ee Ciidanka Qalabka Sida ee Turkiga” ayaa lagu yiri Bayaanka Turkiga.
Qoraalka oo sii socda ayaa lagu yiri “Ma jiro wax qorshe ah oo nidaamka difaaca hawada ee S-400 loogu geynayo dibadda,”
Inkasta oo ay wasaaraddu gaashaanka u daruurtay wararkaas, haddana waxay xaqiijisay in iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya uu sidiisii u sii soconayo, isagoo ku qotoma heshiisyada laba-geesoodka ah ee horay u jiray.
Heshiisyadan ayaa diiradda saaraya tababbarka ciidanka, dadaallada la-dagaallanka argagixisada, iyo ilaalinta kheyraadka dhaqaale iyo kuwa istiraatiijiyadeed ee Soomaaliya.
Turkiga ayaa sannadihii u dambeeyay ballaariyay saaxiibtinimada dhanka amniga iyo difaaca ee uu la leeyahay Soomaaliya, gaar ahaan dhisidda tayada iyo kartida ciidamada amniga Soomaaliya, iyo iskaashiga loogu talagalay in lagu xoojiyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.






