Talaado 12, Aug 2025 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan la qaatay Taliyaha Guud ee Ciidanka Hawlgallada Gaarka ah ee Wadajirka Bariga Afrika (JSOTF-EA) ee dhammaystay mudda-xileedkiisa, Colonel Ed Norris.
Wasiir Fiqi ayaa Colonel Norris uga mahadceliyay wada shaqeyntii dhowayd iyo taageeradii joogtada ahayd ee uu la garab istaagay Ciidanka Xoogga Dalka , gaar ahaan tababarada iyo hawlgallada cutubyada gaarka ah ee CXD, isagoo u rajeeyay guul iyo horumar mustaqbalka.



