Sabti 13, Dec 2025 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga XFS , Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay u-qaabilsanaha cusub arrimaha milatariga ee Safaaradda Talyaaniga, Navy Capt. Antonino Mazzocca.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, gaar ahaan dhinacyada tababarka, taageerada farsamo, iyo horumarinta awoodda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.






