spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Geeska Afrika

0
13

Isniin 2 Feb 2026 {HMC} Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Geeska Afrika (OSESG), Mudane Huang Cong, oo uu wehelinayay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Mudane James Swan.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, Mudane Xamza Xaadow, iyo Agaasimaha Guud ee Bariga Afrika, Mudane Maxamed Faatir.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray isbeddellada siyaasadeed iyo amni ee ka jira Geeska Afrika, iyadoo si gaar ah loo adkeeyay muhiimadda ay leedahay nabadda iyo xasilloonida guud ee gobolka.

Wasiir Ku-xigeenka ayaa xaqiijiyay diyaar-garowga Soomaaliya ee ah inay si wax-ku-ool ah uga qeyb qaadato dadaallada lagu xoojinayo nabadda, amniga, iyo iskaashiga gobolka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale adkeeyay baahida loo qabo isku-duwid heer caalami ah, iyagoo muujiyay doorka lama huraanka ah ee ay leeyihiin hay’adaha goboleed iyo kuwa qaaradeed si loo gaaro xasillooni waarta iyo horumar joogto ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here