Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka oo ka hadlay Dhibaatada ka Soo gaartay Dalalaka Carabta Dagaalka Bariga Dhaxe.

0
13

Isniin 9 March 2026 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, , ayaa yiri: “Dalal badan oo Carbeed ayaa si cad u sheegay in xaaladda aan loo jiheynin xal milatari, isla markaana aysan oggolaan doonin in hawadooda loo adeegsado dagaal.

Laakiin markii dagaalku bilaabmay, inkastoo aad marar badan ugu baaqdeen Mareykanka iyo Israa’iil, ma cambaareyseen ficilladooda? Ma cambaareyseen duqeynta lagu dilay 170 gabdhood oo arday ah?

Waxaan maqlay in dalalkiinna,xitaa Baxrayn ay qorsheynayaan inay qaraar u gudbiyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Qaraarkaas wuxuu cambaareyn doonaa weerarka Iiraan, balse wax hadal ah kama sheegi doono falalka Mareykanka iyo Israa’iil.

Annagu waxaan ku baaqeynaa in la helo mowqif mideysan oo lagu soo afjarayo dagaalkan.

In si fudud loo yiraahdo Iiraan xaq uma laha inay si wax ku ool ah uga jawaabto, waxay la macno tahay inaad ku dhiirrigelineysaan Mareykanka iyo Israa’iil inay sii wadaan dagaalka. Arrintaas caqli ahaan ma ahan mid la aqbali karo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here