Talaado, Sep 23, 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Isniin ah kula kulmay magaalada New York, dhiggiisa Seerbiya, Mudane Marko Đurić, xilli uu halkaasi ka soconayo fadhiga guud ee 80aad ee Jimciyada Qurumaha ka dhexeysa.
Intii lagu guda-jiray kulanka, ayaa labada wasiir waxa ay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad oo ka dhexeeya Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo Akadeemiyadda Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Seerbiya.
Heshiiska ayaa ujeedkiisu yahay kor-u-qaadidda iskaashi dhow oo ku qotama tababbarka diblomaasiyadeed iyo karti-dhisidda aqooneed.






