spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Wasiirka Dekedaha Soomaaliya ayaa sheegay in la soo gabagabeeyay daraasadaha Mashruuca...

Wasiirka Dekedaha Soomaaliya ayaa sheegay in la soo gabagabeeyay daraasadaha Mashruuca Dekedda Cusub ee Muqdisho.

0
20

Sabti  14 Feb 2026 {HMC} Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in la soo gabagabeeyay daraasadaha Mashruuca Dekedda Cusub ee Muqdisho, isla markaana mashruucu galay marxaladda qandaraas bixinta.

Wasiirka Dekedaha ayaa sheegay in mashruucan la filayo inuu wax ka beddelo awoodda saadka ee gobolka, wuxuuna ugu baaqay maalgashadayaasha iyo wakiillada ganacsiga gaarka loo leeyahay inay ka qeyb qaataan horumarinta dekedaha Soomaaliya.

Hadalkaan ayuu wasiirku ka sheegay shirka 2-aad ee Wasiirrada Gaadiidka ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in is-weydaarsiga ganacsi ee Soomaaliya iyo Turkiga uu ka gudbay awoodda qaab-dhismeedka saadka ee hadda jira. in samaynta khadad maraakiib oo toos ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye ay noqotay baahi istiraatiiji ah, xilli uu sii ballaaranayo ganacsiga iyo xiriirka laba geesoodka ah ee sii xoogeysanaya.

“Ganacsiga hadda u dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye waxa uu dhaafay qaab-dhismeedka saadka ee jira,” ayuu yiri wasiirka, isaga oo intaas ku daray in khadad badeed oo toos ah ay yareyn doonaan kharashaadka, dedejin doonaan gaarsiinta badeecadaha, isla markaana kordhin doonaan guud ahaan mugga ganacsiga.
Shirkan ayaa isugu keenay wasiirrada gaadiidka ee dalalka xubnaha ka ah OIC si ay uga wada hadlaan isku xirka iyo iskaashiga kaabeyaasha dhaqaalaha.

Wasiirka dekedaha ayaa sheegay in ay macno gaar ah leedahay in arrimaha isku xirka gaadiidka looga doodo magaalo taariikh ahaan isku xirtay qaarado, ilbaxnimooyin iyo waddooyin ganacsi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here