Axad, 21,Sep 2025 {HMC} Wasiirka difaaca Afgaanistaan, Maxamed Yaqoob Mujahid ayaa ka jawaabay hadalkii Trump ee la xiriiray haddii aan Mareykanka dib loogu wareejin saldhigga Bagram, inay wax xun ku dhici doonaan Taalibaan.
Wuxuu yiri; “Jawaabtayadu way cadahay, haddii aad joogi waydaan oo aad rabtaan inaad saldhigyo qaadataan, waxaan diyaar u nahay inaan idinla dagaalanno 20 sanno oo kale , oo ku dhammaanaysa mar kale inaad ka carartaan hubkiina.”






