Axad , 30 Nov, 2025 {HMC} Wasiirka difaaca Dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo uu wehliyo taliyaha milatariga Soomaaliya Gen: Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta u ambabaxay wadanka Masar.
Wafdiga ka socdo Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya wali ma faah faahin ujeedka socdaalka balse waxaa lagu wadaa in ay xoojiyaan xiriirka Strategy ah ee u dhexeeya laba wadan.
Dowladda Masar ayaa sidoo kale qorshaynaysa in ay dalka u soo dirto cutub ka tirsan ciidankeeda oo qayb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Soomaalita ee AU-da.



