Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Hortagay Aqalka Sarre.

0
16

Arbaco 5, Nov 2025 {HMC} Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta uga warbixiyay Golaha Aqalka Sare waxyaabihii u qabsoomay Wasaaradda Gaashaandhigga, guulihii laga gaaray muddooyinkii ugu dambeeyay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, iyo xaaladda amni ee dalka.

Wasiirku wuxuu caddeeyay in Ciidamada Qaranku 12-kii bilood ee la soo dhaafay ay sameeyeen naf-hurnimo, geesinimo, iyo dulqaad ballaaran si ay u xaqiijiyaan amniga dalka iyada oo dagaalka ka dhanka ah argagixisada la geliyay naf iyo maal badan, waxaana la gaaray guulo la taaban karo oo lagu difaacay dadka laguna xoreeyay dhul ballaaran.

Wasiir Fiqi waxa uu tilmaamay in tan iyo bishii February la fuliyay 220 duqeyn oo lagu naafeeyay 868 ka tirsan argagixisada oo ay ku jiraan 52 horjooge oo Daacish iyo Al-Shabaab ah.

Taliyaha Ciidanka CXDS Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa ka warbixiyay horumarka iyo guulaha Ciidanka Xoogga Dalka ee sanadihii u dambeeyey, isaga oo xusay in dib loo billaabay dib-u-habeynta Ciidanka Xoogga Dalka, si loo helo ciidan awood u leh difaaca dalka iyo sugidda amniga guud.

Taliyaha ayaa carrabka ku adkeeyay in lasii wadi doono dib-u-habeynta iyo tababarka joogtada ah, si loo dhiso ciidan xirfad leh oo ka jawaabi kara dhammaan caqabadaha amni ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here