Sabti 20 Dec 2025 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, Soipan Tuya ayaa safar aan horay loosii shaacin ku gaartay Magaalada Kismaayo xarunta kumeelgaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland si ay usoo ogaata xogta ciidanka KDF ee halkaas ku sugan.
Saraakiisha ugu sarreeya Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ee qaybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa soo dhaweeyay wafdiga ay hoggaaminayso Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Dalkaas.
Soipan Tuya, Wasiirka Difaaca Kenya ayaa sheegtay ciidamada ka socda dalkeeda kula dardaarantay in ay sare u qaadaan gudashada mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta xeerka Midowga Afrika iyo kan Kenya.
Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Waxaa loo gudbiyay qaar kamid ah Xeryaha Ciidamadaan ku howlgalla Magaca Midowga Afrika ee AUSSOM ee ku yaalla Magaalada Kismaayo si ay u ogaato nolosha dhabta ah ay halkaas ku haystaan & sida ay u shaqeeyaan.
Soipan Tuya, waa Haweeneydii saddexaad ee taarkiihda Dalkaas noqota Wasiirka Difaaca, waxaa sidaan oo kale booqashada Ciidamada ka jooga Soomaaliya uga horreeyay Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga oo hadda ah Wasiirka Caafimaadka, Aadan Barre Ducaale.



