Wasiirka GaashaandhiggaSoomaaliya oo booqday qaar ka mid ah dhaawacyada Ciidamada Uganda

0
12

Jimco 27 Mar 20026 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa booqday qaar ka mid ah dhaawacyada Ciidamada Uganda ee howlgalka AUSSOM, kuwaas oo ku dhaawacmay hawlgalladii lagu xoreeyay deegaannada Mubaarak iyo Daarusalaam, iyo sidoo kale dad rayid ah oo ay argagixisadu waxyeello gaarsiisay.

Booqashada ayaa ahayd mid uu Wasiirku ugu kuurgalayay xaaladda caafimaad ee dhaawacyada, isaga oo warbixin ka dhegeystay dhaqaatiirta ku howlan daawaynta iyo la socoshada xaaladdooda caafimaad.

Wasiir Fiqi ayaa bogaadiyay doorka muhiimka ah ee ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, gaar ahaan kuwa Uganda, ay ka qaadanayaan sugidda amniga iyo taageeridda hawlgallada Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo uga mahadceliyay geesinimadooda iyo naf-hurnimadooda dagaallada lagula jiro argagixisada khatarta ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka, isla markaana dhammaan dhaawacyada u rajeeyay kabasho degdeg ah.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa mid mid u booqday dadka rayidka ah ee ay argagixisadu si ula kac ah u beegsatay, kuwaas oo waxyeello ka soo gaartay falalka aargoosiga ah ee ay ka fuliyeen deegaannada laga xoreeyay.

Wasiirka waxaa booqashada ku wehliyay Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AUSSOM, Danjire El-Hadji Ibrahima Diene, iyo Taliyaha Qaybta Koowaad ee AUSSOM (Sector One), Sareeye Guuto Jackson Kayanja.

Ugu dambayn, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay daryeelka iyo garab-istaagga dhammaan ciidamada dhaawacmay iyo shacabka waxyeelladu gaartay, isla markaana la sii xoojin doono wada-shaqeynta saaxiibbada caalamiga ah si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here