Wasiirkii Beeraha ee dalka Namibia oo Shaqadii laga Eryay + Sababta

0
76

Isniin 28, April 2025 {HMC} Madaxweynaha dalka Namibia, Netumbo Nandi-Ndaitwah, ayaa shaqada ka ceyrisay Wasiirkii Beeraha, Kalluumeysiga, Biyaha iyo Dib-u-habeynta Dhulka, Dr. Mac-Albert Hengari.

War kasoo baxay madaxtooyada oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu isticmaalay awoodaha uu u siiyay Qodobka 32(6) ee Dastuurka Namibia si uu xilka uga qaado wasiirka.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii Dr. Hengari la xiray Sabtidii, iyadoo lagu eedeeyay dambiyo culus oo ay ka mid yihiin kufsi, tacaddi ka dhan ah haweenka iyo afduub.

Waxaa jira warar is-khilaafsan oo sheegaya inuu iscasilay ka hor inta aan xilka laga qaadin. Hengari ayaa sheegay: “Waan iscasilay, laakiin faahfaahin intaas dhaafsiisan ma bixin karo.”

Eedeymaha loo haysto ayaa sheegaya in Hengari uu kufsaday gabar 21 jir ah sanadkii hore, kadibna uu isku dayay inuu laaluusho si ay dacwadda u laabato.

Dr. Hengari ayaa bishii Maarso loo magacaabay Wasiirka Beeraha dalkaasi, isaga oo muddo kooban hayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here