Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Baalle ayaa sheegay in wakiilo badan ay dalka ku metali doonnaan shirka sanad guurada 80aad ee Golahaas, kulamo duceedyo ayuu tilmaamay in ay ka qaybgali doonnaan Wasiirradda Gaashaandhigga, Waxbarashada, Haweenka & Xuquuqul Insaanka iyo kuwo kale oo shirarkaas muhiim u ah.
Abuukar Baalle ayaa sheegay in shirarkaas oo idil ay muhiimad gaar ah u leeyihiin Soomaaliya maadaama ay ku fadhiso kursi kamid ah 15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ay ku yeelan doonno cod soo jeedin muuqato leh si looga hortago wax weliba oo dhibaato ku ah midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya sida uu yiri.
Soomaaliya ayaa dood adag ka qabta soo jeedinta xubno katirsan Xisbiga Talada Maraykanka haya ee la xiriirta in la aqoonsado Maamulka Somaliland, waxa ay tallaabooyinkaas ku sheegtay in ay kala dhantaalayso midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, keliyana looga hortagi karo mowqif siyaasadeed oo adag oo ay kala hortagto.
Mustaqbal



