Arbaco, 15, Oct 2025 {HMC} Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa maanta kulan kula yeeshay dhiggiisa dowladda Hindiya, Mudane Kirti Vardhan Singh, magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.
Kulankan oo ay goobjoog ka ahayd Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa diiradda lagu saaRray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Hindiya.
Soomaaliya iyo Hindiya waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah oo ku dhisan iskaashi, is-ixtiraam iyo dan wadaag labada dal ah.
Home SOMALIA NEWS Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo dhiggiisa Hindiya kula kulmay Kampala.






