spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Waxaa sii kordhaya Dowladaha oo kahor yimid aqoonsiga Israa’iil Ugu dhaqaaqday ...

Waxaa sii kordhaya Dowladaha oo kahor yimid aqoonsiga Israa’iil Ugu dhaqaaqday Somaliland

0
12

Sabt 27 Dec , 2025 {HMC} Waxaa sii kordhaya Dowladaha & Ururrada Caalamiga ah ee kahor imaanaya aqoonsiga Israa’iil ay ku dhawaaqday in ay siisay Maamulka Somaliland, horay waxaa go’aankooda u caddeeyay Turkiga, Masar, Jabuuti, Maraykanka, Shiinaha, Dalal kale iyo Ururro.

Dalalka cusub ee kusoo biiray diidmada waxaa kamid ah Qatar, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Kuwait, Jordan iyo Dalal kale oo dhammaantood sheegay in ay dhinac taagan yihiin midnimada, Madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxa ay si wadajir ah u muujiyeen inay garab taagan yihiin Soomaaliya oo wadajirta isla markaana ay diidan yihiin faragelin weliba oo dibadda uga timaada taasina oo kala dhantaalaysa midnimada loosoo halgamay.

Weli waxaa dhiman Dalal kale oo lagu wado in ay soo saaraan Warsaxaafadeed ay ku caddaynayaan mowqifkiida diidmada ah ay soosaaraan si ay meel cidlo ah u dhigaan damaca gurracan ee Israa’iil oo haatan sii guuldaraysanaya.

La soco wixii kasoo kordha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here