Isniin 24, Nov 2025 {HMC}Weerar ka dhacay Magaalada Peshawar ee Waqooyi-galbeed ee Pakistan waxaa ku dhintay ugu yaraan 3 qof halka ay ku dhaawacmeen tiro kale, kaddib markii koox hubeysan ay weerartay saldhig ciidamada Paramilitary ay ku leeyihiin Magaaladaas.
Ciidanka la weeraray ayaa la sheegay in uu xerada u galay qof isku soo xiray walxaha qarxa, sida uu wariyay Wargayska lagu magacaabo Federal Constabulary (FC) ayaa shaaciyay in khatartu ay badan lahayd haddii aan laga hortagi lahayd ismiidaamiyaha.
Wargayska ayaa intaas ku daray in ciidamada ammaanka ee xerada joogay ay dareemeen dhaqdhaqaaqa qofka is qarxiyay oo ay ku xakameeyeen ilinka laga soo galo xerada, askarta dhimatayna ay yihiin kuwii kahortagay halistiisa.
Maamulka Peshawar ee Pakistan ayaa sheegay in xaaladdu ay degen tahay maadaama daqiiqadii ugu horreeyay ee qaraxa kacsanayd, waxaana goobta uu qaraxaas ka dhacay tagay saraakiil ciidan oo isugu jira baarayaal iyo taliska Paramilitary.
Warar kale ayaa sheegaya in qaraxa kaddib la maqlayay rasaas toos ah oo la sheegay in ay dhexmartay ciidamada ammaanka ee xarunta ku sugnaa iyo kooxda weerarkaas fulisay inkasta oo aan xaqiiqo dhammaystiran laga soo gudbin arrintaan.
La soco wixii kasoo kordha



