Sabti 17 jun 2026 {HMC} Saddex askari ayaa ku dhaawacmay weerar lagu qaaday saldhigga dhexe ee ciidanka booliiska Garowe, saacado kaddib markii halkaas lagu xiray labo askari oo lagu qabtay maandooriyaha khamriga.
Weerarka ayaa waxaa ka dambeeyay askar kasoo dagaalamay Calmiskaad oo ka tirsan guutada Duufaan, kuwaas oo dhawaan dib ugu soo laabatay magaalada Garowe. kaddib markii lasoo afmeeray badi howlgalka lagu la dagaamayay Daacish.
Askartan ayaa doonayay inay si xoog ah uga sii daayaan saldhigga labada nin ee loo xiray khamriga, kuwaas oo la sheegay inay ka tirsanaayeen ciidankooda, isla markaana mid kamid ah uu dhaawac ka soo gaaray howlgalkii lagu soo qabtay.
Ciidamada booliiska ee saldhigga dhexe ayaa isk caabiyay weerarkan oo loo adeegsaday hub fudud iyo mid culus. Saddexda askari ee ku dhaawacmay dhacdadan ayaa la xaqiijiyay inay ka tirsanaayeen ciidamadii weerarka soo qaaday, mana aysan ku guulaysan inay gudaha u galaan saldhigga ama ay la baxaan askarta la xiray.
Weerarkan ayaa abuuray qalqal amni oo si weyn looga dareemay magaalada Garowe, maaddaama uu ka dhacay barxadda magaalada Garowe oo uu saldhiggu kuyaalo, iyadoo weerarku uu dhacay xilli ay is dhex marayeen dadka iyo gaadiidka.
Laamaha amniga Puntland weli kama hadlin dhacdadan. Dhinaca kale, Guutada Duufaan ayaa ku andacooday in askar ka mid ah ciidankooda loo geystay dhaawac iyo jirdil. Waxay sidoo kale sheegeen inay qaadi doonaan tallaabo adag haddii uusan booliisku bixin jawaab ay ku qancaan.
Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xilli ay magaalooyinka Puntland dib ugu soo laabteen ciidamo muddo ku dhow hal sano kula dagaallamayay Daacish buuraha Calmiskaad. Sannadkii hore, askari ka mid ahaa ciidamadii kasoo laabtay dagaalladaas ayaa Garowe ku dilay laba askari iyo hal qof oo shacab ah oo ka tirsanaa Dowladda Hoose ee Garowe.



