Isniin, 25 Aug 2025 {HMC} Waxaa jira burbur ballaaran oo soo gaaray dhismaha weyn ee Isbitaalka Nasser ee koonfurta Marinka Gaza, sida uu sheegay madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO.
Sida aan wararkeenii hore ku sheegnay, Isbitaalka ayaa lagu garaacay weerar ay saaka fuliyeen ciidamada Israa’iil. Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay weerar ka fuliyeen aagga, halka BBC Verify ay xaqiijisay dhowr muuqaal oo muujinaya laba weerar oo Israa’iil ay ku qaaday isbitaalka.
Qoraal uu soo dhigay X, Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in aagga duqayntu ku dhacay ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah ee isbitaalka, qaybta bukaan-jiifka iyo qaybta qalliinka, iyo in jaranjarooyinka degdegga ah ay waxyeelo soo gaartay.
Wuxuu intaas ku daray in dadka dhaawacmay ay ku jiraan “bukaanno aad u xanuunsan oo markii horeba la daryeelayey”.
“Iyadoo dadka Qasa ku nool ay gaajoonayaan, haddana helitaankooda caafimaad ee xaddidan ayaa waxaa sii curyaaminaya weerarrada soo noqnoqda” ayuu yiri Ghebreyesus.
“Joojiya weerarrada lagu hayo xarumaha caafimaadka. Xabad joojin ha la helo – hadda!” ayuu intaas ku daray



