Uganda oo sheegtay in 100,000 oo Askari ay u dirayaan Bariga Dhexe si ay u difaacaan Israa’iil

0
11

Sabti 11 April 2026 {HMC} Wiilka uu dhalay Madaxweynaha Uganda ahna Taliyaha guud ee Dalkaas ee lagu magacaabo Muhoozi Kainerugaba ayaa sheegay in dalkiisa uu 100,000 oo askari uu u dirayo Bariga Dhexe si ay u difaacaan Israa’iil sida uu hadalka u dhigay.

Janaraal Muhoozi ayaa horay u sheegay in haddii xaaladda ku adkaato Israa’iil ay ku biirayaan dagaalka ka dhanka ah Iiraan isla markaana aanay dalkiisa aqbali doonnin in la ciribtiro Yuhuudda sida uu kol hore yiri.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa X ee horay loo oran jiray Twitter ayuu Muhoozi ku sheegay in uu waajib ka saaran yahay difaaca Israa’iil sidaas awgeed uu dalkiisa dirayo ciidamo gaaraya 100 oo askari si ay uga dhinac dagaalamaan.

Falcelin xooggan ayuu kala kulmay qaar kamid ah Dadkii arrintaas kasoo hadlay iyaga oo ku maadsaday maadaama dalkiisa aanay haysan hub iyo Diyaarado casri ah sidoo kalena ay Iiraan meel saartay Dalal ka horumarsan dalkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here