Sabti 27, Sep 2025 {HMC} Guddiga Culumada degmada Caabudwaaq oo Bilihii u dambeeyay ku hawlanaa xalinta dhacdadii ka dhacday saldhigga booliiska iyo hotel Salamo oo ahayad gacan ka hadal sababay dhimasho iyo dhawac ayaa maanta go’aano ka soo saaray dhacadadas.
Markii ay dhacaday shaqadaan waxa dhexda u xirtay Culimada iyo Madaxweyne Ali Daahir Ciid oo mudo badan ku hawlanaa xalinta arintaas.
Go,aamada maanta laga gaaray waxa ka mid ah
1. In la bixiyo magta dadkii ku geeriyooday dhacdadaas oo qoys kasta la siiyo 40 halaad qofkiiba.
2. In la joojiyo albaabkii uu dhibku ka bilowaday .
3. In meeshii la doonayay in saldhigga Albaab loogo furo oo dhibku ka dhacay laga sameyo albaab yar oo cabbirkiisu yahay labo mitir, kaas oo loogu talagay in loo isticmaalo maxkamada igo saldhigga.
4. In ciidanka laga qaado hoteel salaamo oo markii dagalku ka dhacay horelka iyo saldhigga isii ciidamo u joogeen.
Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Ali Dahir Eid , Culimada awadiinka iyo waxgaradka ayaa daadalo badan ku bixiyay sidii xal looga gaari lahaa dhacdadaas xiligii ay dhacay ilaa iyo hadda oo xal hor dhac ah laga gaaray.
Munaasabadda heshiiskan lagu gaarayay ayaa waxa la qayb galay wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Dowladda Galmudug Culimada , waxgaradka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Culimada waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa uga mahadceliyay Culimada, waxgaradka iyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Galmudug Cali Dahir Eid oo daad badan galiyay howshaan.






