spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Xamaas oo dib u eegis ku samaynaysa qorshaha nabadda Qaza.

Xamaas oo dib u eegis ku samaynaysa qorshaha nabadda Qaza.

0
21

Talaado 30 Sep 2025 {HMC} Xamaas ayaa dib u eegis ku samaynaysa qorshaha nabadda ee Gaza oo uu Donald Trump kaga dhawaaqay Aqalka Cad Isniintii

Qorshahan oo ka kooban 20 qodob ayaa waxaa ka mid ah in la joojiyo dagaalka; soo celinta la haystayaashii Israa’iil; iyo Guddi nabadeed”Board of Peace” oo caalami ah si ay gacan uga geystaan ​​socodsiinta Gaza, oo uu ku jiro ra’iisul wasaarihii hore Tony Blair – halkan waa dulmar.

Qorshuhu wuxuu sidoo kale kor u qaadayaa suurtagalnimada “dariiq lagu kalsoonaan karo oo loo maro aayo ka tashiga Falastiin iyo dawladnimada”, haddii shuruudaha la buuxiyo.

Balse ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku adkeysanaya in qorshahan uusan ahayn in dowladnima la siiyo Falastiin, isla markaana Israa’iil ay “si xoog ah uga hortagto” fikradd.

Trump – oo qorshahan ku dhawaaqay isaga iyo Netanyahu – ayaa sheegay in haddii Xamaas ay aqbali weydo, uu Israa’iil siin doono “taageero buuxda si aad u samayso waxa ay tahay inaad samayso.

Xamaas ayaa la sheegay inay dib u eegis ku samaynayso qorshahan “si niyad sami ah” – Wariyaheena Gaza Rushdi Abualouf ayaa sheegaya in jawaabtoodu ay noqon karto “haa, laakiin”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here