Arbaco 1 Oct , 2025 {HMC} Warbaahinta Sacuudiga ee Asharq News, ayaa soo bandhigtay mowqifka Xamaas ee ku aadan qorshaha nabadda ee Qasa , iyadoo xiganaysa ilo ka tirsan Xamaas.
Warbixinta waxaa lagu sheegay;Xamaas ayaa sheegtay inay soo jeedin doonto wax-ka-beddel ku saabsan qorshaha Trump ee Qasa.
Xamaas waxay ku doodday in Netanyahu uu horey wax uga beddelay qorshaha Trump, sidaas darteedna iyaguna ay xaq u leeyihiin inay wax ka beddelaan.
Xamaas waxay usoo jeedisay dhexdhexaadiyeyaasha inay keenaan dammaanad dhab ah oo dagaalka si buuxda loo joojiyo, isla markaana la xaqiijiyo inaysan mar kale dib usoo weerarri karin Israa|l , marinka Qasa.
Xamaas , waxay dalbatay dammaanad cad oo ka dhan ah Israa|l haddii ay jebiso heshiiska.
Xamaas , waxay codsatay in la kala saaro hubka weerarka iyo kan difaaca, iyagoo sheegay in hubka difaaca uu yahay xuquuq sharci ah.
Waxay ku adkaysatay Xamaas , in la helo jadwal waqtiyeed oo cad oo ku saabsan ka bixitaanka ciidamada Israa|l ee Qasa.
Waxay sidoo kale Xamaas, codsanaysa in maamulka Qasa loo dhiibo guddiga Falastiiniyiinta ah, halkii loo wareejin lahaa guddi caalami ah.



