spot_imgspot_imgspot_img
Home ARIMAHA BULSHADA Xamaas oo soo gabagabeysay howlgalladii ay ka waday koonfurta Magaalada Qasa.

Xamaas oo soo gabagabeysay howlgalladii ay ka waday koonfurta Magaalada Qasa.

0
22

Axad, Oct 12, 2025 {HMC} Xamaas, ayaa soo gabagabeysay howlgalladii ay ka waday koonfurta Qasa, halkaa oo ay ku xoogganayeen kooxaha ay taageerto Israa|l, kuwaasoo la sheegay in laga nadiifiyay marinka oo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaashooda la xiray, kuwa kale la dilay , halkaa qaar ka mid ah la sheegay inay u baxsadeen dhinaca Israa|l.

 

Telefishinka Al Jazeera, ayaa waxyar ka hor sii daayay warbixin uu ku sheegay inay Xamaas , dib usoo ceshatay awoodeeda maamul ee guud ahaan marinka Qasa, kaddib dagaallo tan iyo shalay gudaha Qasa ka dhacay oo u dhaxeeyay Xamaas iyo kooxo ay taageerto Israa|l, iyadoo warbixinta lagu sheegay in 60 xubnood oo kooxahan ka tirsan la xiray , halka boqollaal kale lagu dilay dagaallada dhacay labadii maalin ee u dambeysay.

Warbixinta , waxaa kaloo lagu xaqiijiyay inay Xamaas ka sameysay gudaha Qasa, baro koontarool oo lagu xaqiijinayo ammaanka marinka, si loo jebiyo iskudayga Israa|l ay ku doonayso dagaal sokeeye inuu ka dhaco gudaha Qasa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here