Arbaco 7 Jun 2026 {HMC} Waxaan idin hayaa mar kale iyo dhul boob iyo barakicin kale oo Magaalada Muqdisho ka socdo. Todobaadkan xaafadda fardooleyda , ansalooti iyo meela kale ayaa cagta la mariyay.
Maanta duqa magaalada Mungaab waxaa uu soo saaray warqad uu booliska gobolka banaadir uu kaga dalbanaayo in la baneeyo dhul ka tirsan Kaaraan, laakiin saran wadada loo yaqaan Bayxaani loona yaqaan Vero Somalo.
Dhulkaas waxaa u uku sheegay inay 40 qoys yihiin.
Dadaka degan warqada ma siinayso ogaysiin, waxaana cad in ayagoon ka warqabin oo iska hurda in cagaftii ganacsatada la dulmarin rabo.
Gaancsatada dhulka boobaysa waxay tartan ugu jiraan sidii loo kala badsan lahaa barakicinta dad noloshooda maalinnimo qaarkood soo qaban la’. Waxaad hore u aragtay arday dugsi ka soo noqotay oo u yimid gurigoodii Baldosar la mariyay, dad iska hurda oo habeenimo ayagana gurigooda dhinaca Baldoosar ka soo duminaayo.
Warqadan amarka Muungaab waxay u qoran tahay sidan:

Waxaa hadaba jira dhulkaan ninkii milkiyada u lahaa oo dawladii hore ka qaaday, oo dawladii dhexe markay Meesha ka baxday dib u sharciyaystey.
Waxaa la yiraahdaa Maxamed Axmed Maxamuud Aw Cali. Ninkaan odeyga ah waxaa uu dhulkaas u ahaa garaash.
Waxaa uu dawladii Madaxweyne Cabdiqaasin ka codsaday iyo duqii magaalada markaas in dhulkiisa loo sharciyeeyo maadmaa uu hore u lahaa.
Xaajigan asagoo qodobadan adeegsanaaya ayaa dhulkiisa dib loogu sharciyeeyay xilgaas. Qodobada sharciga loogu ogolaaday wuxuu ahaa:
sharciga lambarkiisu yahay toban (10) ee 17/12/80 qodobkiisa 16aad firqooyinkiisa 4aad iyo 5aad oo tilmaamaya.
A) Dhul bixin ka dhalata dumin ama kicin dhismooyin kooban ama xaafad dhan,waxaa xaq u yeelanaya dadkii hore u degenaa.
B) Waxaa ka reeban Dowlada Hoose in ay dhulkaasi siiso dad kale inta ay joogaan dadkii hore looga dumiyey. Ninka odeyga ah ee Maxamed Aw Cali waxaa uu dhulkiisa markuu sharciyaystay uu ka iibiyay dad baahi deegaan ay hayso.
Dhulkan warqadii lagu boobayay ee uu soo saaray Duqa magalada Muungaab, waxaa wax ka degan dad dawlada u shaqeeyay caruurtooda oo agoon ah. Waxaa ka mid ah caruurta degan agoontii uu ka tagay Marxuum Maxamed Yarow oo ku xigeenka duqa magaalada Muqdisho soo noqday, waxaa uu ku dhintay qarax lagula beegsaday Guriga hooyooyinka ay dad badna ku dhinteen.
Waxaa maanta hadaba taagan in la dhinac maraayo sharciyadii dhulka ee dawlada hoose loona bareeraayo in dhul dad leeyahay dad kale oo ganacsato la siiyo, ayadoo loo xilanaayo dhaqaale jiibab gaar ah ku urura.
Dadkaan boobka iyo barkicinta ka wada Waa nooc ka gudbay naxariista bini’aadanimo, iimaan la’aantana ay gaarsiisay aakhiro illow.
HOOS KA DAAWO SHARCIYADA DHULKAN OO SAX AHÂ

              HOOS KA AQRI SHARCIYADA DUQA MUQDISHO







